4 Qaab oo Lacag Looga sameeyo Crypto

Crypto waa suuqa weyn oo caalami ah dunida oo dhan ay ka wada faa’iadysan karto.
Waxaa uu ki jiraa kaalinta 4aad ee suuqyada maaliyadda waxaa ka sarreeyo kaliya Foxex,Bond market iyo Stock market.
Marka loo eego dadka dunida suuqaan waxaa ku jiro kaliya 4% oo dadka dunida ah taasoo ah number aad uyar.
Suuqaan waxaa dhex ceegaago fursado badan oo qofka dhalinyarada ah uu ka faa’iadysan karo,Ka hor intaa aadan fahmin siyaabaha Looga shaqeysto waxaa muhiim ah inaad fahanto wax uu yahay iyo Taarikkhdiiaa oo aan maqaalkaan Horay uga qoray Halkaan k aqriso.
Halkaan ayaan kugula wadaagi doonaa dhammaan fursdaha Suuqa crypto Currency:
1:Maalgashi (Investment) waa hab aad faa’ido uga sameyn karto suuqa adigoo gadanayo Hanti gaar ah oo aad ku kalsoon tahay aadna rajeyneyso inay Qiimo Sare gaareyso waa sida maalgashiga Real state oo kale.
Maalgashigaan waxa uu kaaga baahan yahay inaad sugto waqti badan si aad faa’ido badan usameyo waxaana inta badan lala sugaa waqtiga Bull market-ka ah oo 4-tii sanaba Hal mar dhaco.
Waxa uu leeyahay faa’ido badan iyo qasaaro oo si Looga Soo kabsado ay adag tahay waxaanna kugula talinaa inaad Aqoontaada dhisto inta aad Maalgashi ku sameyn crypto market sidoo kale lacagta aad ku maalgashaneyso waa inay ahaataa mid aad ka maarmi karto.
2:Trading: Trading waa habka 2aad ee ugu weyn ee suuqa Looga shaqeysto waa inaad si maalinle ah uga shaqeysato suuqa adigoo saadaalinayo Halka uu Qiimuhu aadi doono, Haddii aad aragto lacag Sicirkeedu Sare ukac sameyn rabo waad gadaneysaa ka dib markii ay gaarto sicirkii aad ka rabtay ayaad iska iibinaysaa.
Markaa Trader aad noqaneyso waxaad ubaahan tahay inaad barato Technical analysis oo ah aqoonta lagu ogaado jihada suuqu aadi doono.
Halkaan Ka baro Technically Analysis.
3:Staking: waa Hab kale oo aad faa’ido uga sameyn karto suuqa kana Qatar yar labadii Hore,Staking waa inaad Coins-ka aad haysto aad ku taageerto Qolooyinka ilaaliyo Blockchain-ka Coin-kaas,Waxaa jiro Blockchains isticmaalo nidaamka Proof of stake kuwaan dadka ka dhex shaqeeyo waxay ubaahan yihiin Number badan oo coins ah si mid kasta shaqada ugu badan asigu qabto.
Nidaamkaan Proof of stake waxa uu a wood siinayaa qofkasta inuu ka qeybta qaato Howlaha Blockchain-ka iyadoo ay shardi tahay inaad heysto coin-ka Blockchain-kaas, Tusaale Ethereum Blockchain Marka aad rabto inaad ka shaqeysto waxaa lagaa doonayaa inaad heysato ugu yaraan 32 oo Eth coin ah.
Habkaan qofkasta awooddiisa shaqo waxay ku xiran tahay Tirada Coins-ka uu heysto waana sababtay ay coins-kaaga ugu baahan yihiin.
Dhinaca faa’idada waa mid aad uyar sida 15% sanadkii oo dhan oo maalin kasta qeyb yar lagaa siinayo waxaa sidoo kale jiro qasaaro aad wajihi karto oo la xariirto sicirka Coin-ka oo hoos uga dhacayo halkii aad adigu ku stake gareysay.
3:Arbitrage Trading waa inaad faa’ido ka sameyso Kala duwnaashaha Sicirka Labo exchange ama Hal exchange dhexdiisaa, waana mid dadka suuqa ku jiro intooda badan aysan ku baraarugsaneyn.
Waxaa jiro Coins-ka qaar Marka lagu Trade gareynayo Exchanges-ka in exchange Si xad-dhaaf Looga iibsnaayo oo Volume badan uu ka jiro Halka mid kale Volume yar lagu iibsnaayo taas waxay keeni kartaa in Sicirka exchange Sare ukaco exchange kalena hoos udhaco.
Tusaale Xrp waxaa uu Bybit ka joogaa $2.10 Halkaan uu Mexc ka joogo $2.17 Marka aad hesho fursaddaas ayaad Bybit ka gadaneysaa ka dibne Mexc ayaad iskaga iibinee waxaadna sameysay faa’ido 3.33% ah.
Balse waxaa jiro caqabado badan oo ku geedaaman kuwaas oo l rabo inaad ka taxadarto waxaana ka mid ah:
1:Spread oo ah Sicirika qofku gadanayo uu ku rabo iyo Sicirka qofka isla iibinayo uu ku rabo oo Kala fog.
2: Liquidity la’aan oo sababeyso inaad iska iibin weyso Coin-ka.
2: Gas fee ayaa caqabado noqan karo mararka qaar waana Marka aad isticmaaleyso Network qaali ah sida Ethereum.
Afartaas Hab ayaa faa’idada ugu badan Crypto Looga sameeyo waxaa jiro dhinacyo kale Sida Yeild farming, Liquidity mining,Bitcoin mining, affiliate programs iyo Qamaartanka(Gambling).
Ma jiro Hal nidaam oo aqoon la’aan aad lacag ku sameyn karto fadlan dhis aqoontaada Marka 1aad.
Halkaan Ka Billow Barashada Suuqa