5 Exchange ee ugu fiican Crypto

in aad Hesho Sarifle (Exchange) wanaagsan waxay kaa dhigaysaa mid kusii jiro suuqa faa’idana ka sameeyo Maqaalkaan waxa aan uga hadli doonaa 5_ta Exchange ee ugu wanaagsan Crypto Currency.
Marka 1 aad aan isla fahanno Waa maxay Crypto Exchange.
crypto Exchange waa Halka aad ka iibsaneyso Coina_ka aad Maalgashi ama Trade ku sameyneyso.
Waxa uu kuu sahlayaa in lacagtaada doolar_ka aad ubadalato Crypto Currency sida Bitcoin, Ethereum, Solana iyo kuwa kale.Halkaan ayaan kugula wadaagayaa 5_ta Exchange ee ugu fiican Crypto
1: Binance: Waa Exchange 1aad ee ugu weyn caalamka kaaso ay isticmaalaan dadka ugu badan waxaana la isku dhaafsadaa qiyaastii $41 Bilyan maalinkasta.Waxaa aas_aasay Changpeng Zhao (CZ) oo ah Ninka ugu Taajirsan Crypto sanadkii 2017,Xaruntiisa ugu weyn waxa ay ku taallaa Dubai UAE.Binance waxay leedahay Ruqsado(Licenses) Kala duwan waxayna ka Kala heysataa dalalka Dubai, France,Italy,Spain, Poland iyo Australia tan ayaana Binance ka dhigeyso mid ammaan ah oo la isku helleyn karo.
Halkaan ka furo Binance Account
2: Coinbase: Waa Exchange labaad ee ugu weyn caalamka kaasoo ay isticmaalaan malaayiin qof, waxaana lagu kala iibsadaa lacag gaareysa dhowr bilyan maalinkasta. Waxaa la aas-aasay sanadkii 2012, waxaana aasaasay Brian Armstrong oo ah ganacsade Mareykan ah. Xarunta ugu weyn ee Coinbase waxay ku taallaa San Francisco, USA.Coinbase waxay leedahay Ruqsado (Licenses) rasmi ah, gaar ahaan gudaha Mareykanka, waxaana si adag u kormeera hay’adaha maaliyadeed ee dowladda.
Waxa kale oo ay ruqsado ka heysataa dalal kale sida UK iyo qaar ka mid ah Yurub. Tani waxay Coinbase ka dhigeysaa mid sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana si gaar ah ugu habboon dadka cusub ee raba inay bilaabaan maalgashi Crypto ah.
Inta badan kama shaqeeyo dalalka caalamka maadama sharciyada waddamada uu Ruqsadda ka heysto ay xaddidayaan.
3: Bybit: Waa Exchange si degdeg ah caan u noqday sanadihii u dambeeyay, waxaana la aas-aasay sanadkii 2018. Xarunta ugu weyn ee Bybit waxay ku taallaa Dubai, UAE.
Waxaa si gaar ah loogu yaqaanaa suuqa derivatives-ka (contracts trading) sida Futures iyo Options, taas oo ay isticmaalaan Traders_ka.
Bybit waxa ay leedahay interface aad u sahlan, adeeg degdeg ah, iyo adeeg macaamiil oo 24/7 ah.
Waxa ay sidoo kale bixisaa tartamo (trading competitions), gunnooyin (bonuses), iyo qiimo dhimisyo kala duwan oo soo jiita isticmaalayaasha cusub.Bybit waxay haysataa ruqsado ay ka heysato dalal kala duwan sida Dubai iyo qaar ka mid ah dalalka Aasiya.
Tani waxay ka dhigeysaa mid ammaan ah, inkastoo aanay weli si buuxda u helin ruqsado Mareykanka iyo Yurubta qaarkeed, marka la barbar dhigo Binance iyo Coinbase.
Halkaan ka furo Bybit Account
4:Gate.io: Waa mid ka mid ah exchanges-ka ugu da’da weyn ee ka howlgala suuqyada crypto, waxaana la aas-aasay sanadkii 2013.
Xarunta ugu weyn waxay hadda ku taallaa dalka Seychelles, inkastoo ay adeegyo ka bixiso dalal badan oo caalami ah.
Gate.io waxa uu aad ugu caan yahay in uu bixiyo coin-yo cusub oo aan laga heli karin exchanges kale, taas oo soo jiidata maal-gashadeyaal doonaya inay helaan fursado degdeg ah.
Waxa uu leeyahay adeegyo badan sida spot trading, futures, margin trading, lending, iyo startup launchpad.Gate.io waxay leedahay ruqsado ka yimid Lithuania (EU), Hong Kong, iyo Cayman Islands, waxayna codsatay ruqsad rasmi ah oo ka timid hay’adda VARA ee Dubai. Inkastoo aysan weli heysan ruqsado Mareykanka iyo dalalka Yurub qaarkood, haddana waxay ka shaqeysaa in ka badan 100 waddan iyadoo leh nidaam amni oo heer sare ah.
Halkaan ka furo Gate io Account
5:MEXC Global: Waa Exchange si xawli ah u koraya oo la aas-aasay sanadkii 2018, waxaana xarunteedu tahay Singapore.
MEXC waxa uu caan ku yahay inuu Soo list gareeyo coin-yo badan, gaar ahaan kuwa cusub (altcoins), taasoo soo jiidata maalgashadeyaal doonaya fursado degdeg ah.Waxa uu leeyahay adeegyo kala duwan sida spot trading, futures, staking, iyo launchpad.
MEXC sidoo kale waxa uu bixiyaa qiimo dhimisyo iyo gunnooyin loogu talagalay isticmaaleyaasha cusub.
MEXC waxay ka diiwaan gashan tahay Lithuania, taasoo u sahleysa inay si xaddidan uga shaqeyso qaaradda Yurub.
Ma heysato ruqsado buuxa oo ka socda Mareykanka, UK ama Australia, balse waxay ka hawlgashaa in ka badan 170 waddan iyadoo leh nidaam amni iyo adeeg hufan.
Halkaan ka furo Mexc Account
Gunaanad: Si Aas Account uga furato Exchanges_kaan waa inaad Marka 1aad Xaqiijisaa inuu ka shaqeeyo Waddanka aad joogto iyo inaad Heysato Documents_ka uu kaa Rabo sida National Id, License iyo Passport midna xisaabta ku darso Exchange_gu waa suuqa coins_ka Gato ee ma ahan meel Lacagta lagu keydsado.
I love crypto