5 Qalad ay galaan Dadka ku cusub Suuqa

Suuqa Crypto-ga waa mid ballaaran oo leh fursado badan oo looga faa’iidaysto, balse sidoo kale wuxuu xambaarsan yahay qataro badan.

Qof kasta oo raba inuu suuqa ka faa’iideysto waa inuu fahmaa in faa’iido kasta ay ku timaaddo qaadashada risk — balse risk kastaa ma aha mid lagu degdego; waa inuu noqdaa mid ku saleysan aqoon iyo fahamka dhabta ah.

Qofka aan aqoon lahayn wuxuu u nugul yahay inuu galo qaladaad waaweyn oo sababi kara khasaaro aan laga soo kaban.

Maqaalkaan ayaan kugula wadaagayaa Shanta Qalad ugu badan ay galaan Dadka ku cusub Lana rabo in aadan Sameyn:

1:Aqoon la’aan inay Billaabaan Suuqa: Crypto ma ahan sida aad umalaneyso Marka aad ku cusub tahay, ma ahan app lasoo dagsanayo kaliya,waa suuq baaxad weyn oo leh fundamentals sameeyo Kuna xiran dhaqaalaha iyo siyaasadda guud ee caalamka.

Haddii maalgashi ku sameyneyso suuqa Waa in aad Barataa Fundamentals_ka iyo Technical_ka ama ugu yaraan fundamentals_ka si maalgashigaagu unoqdo mid Miro dhal leh,Ogowna Habka ugu fudud ee lacag ku qasaarin karto waa in aad ka shaqeyso wax aadan garaneyn.

2: Fear of missing out (Fomo): Tan waa mid aan ku Tilmaaami karno cudurka Dilaaga Lacagta, waa in aad suuqa kusoo gasho dareen xamaasadeysan adigoo aaminsan in lagaa tagay oo lacag ay ku dhaaftay ka dib aad gadato Coins badan oo meel saro joogo adiga oo rajeynayo inay kor sii aadi doonaan ka dib ay kula Soo daataan sidaasna aad ku niyad jabto.

Qofka aqoonta leh waxa uu si cad ukala Saari karaa goorta la Galo suuqa iyo goorta ay tahay in bannaanka laga istaago, Haddii aad aragto suuqa oo ku sugan xaalad gaar ah waa in aad Taxliilin ku sameysaa ma tahay xilligii aan gali lagaa mise ma aha?

3: In aad La Tashato dad kale: markey Timaado Odorosidda mustaqabalka suuqa waa mid inta badan lagu kala duwan yahay qofkasta uu leeyahay aragti gaar ah, bal adigu qiyaas adigoo ku cusub Suuqa haddii la Tashato 5 Qof oo kala aragti duwan maxaa kugu dhici karo? Mid aad raacdo ayaad garan weyneysaa,sidaa Darteed waa in adigu aad awooddaa inaad suuqa Taxliilsan karto aragtidaada iyo Dadka kalena toodana aad isku isticmaali karto.

Mararka qaar waa arin fiican inuu jiro Qof mentor/Hage kuu ah oo aad suuqa uga dambeyso Taas lama diiddana,balse tan mamnuuca ah waxay tahay inaad qofkasta aad dhageysto Ha ahaado qof Social media ku jiro ama Qof kale.

4: Hammiga inaad si Deg_Deg ku taajirto:Dhammaanteen waa jecel nahay inaan helno Lacag badan waliba si degdeg ah Dareen ahaan, balse caqligeennu waxa uu noo sheegayaa wax ka duwan taas.

Ganacsiyada caadiga ee xalaasha ah inta badan waa kuwa si xasilooni leh ukoro aan maalin taajir laga noqan Karin, Haddii aad aragto Hab si degdeg ah Crypto lacag Looga sameynayo Waa mid Scam ah ee ka fogow.

Crypto waa suuq fursado leh, laakiin sidoo kale waa mid halis badan leh. Taajirnimo dhabta ah waxay ku timaadaa sabar, qorshe, iyo aqoon—ma ahan nasiib iyo deg-deg.

5 inaad suuqa galiso Lacag aadan ka maarmi karin:Tani waa mid ka mid ah qaladaadka ugu khatarsan ee ay galaan dadka cusub.

Maalgashiga Crypto waa inuu ku saleysnaadaa lacag aad diyaar u tahay inaad lumiso haddii ay wax qaldamaan.

Haddii aad isticmaasho kirada gurigaaga, raashinka carruurta, ama kaydkaaga degdegga ah, waxaad halis ugu jirtaa burbur dhaqaale iyo niyad jab.

Suuqa Crypto mar walba wuu kacsan yahay, khasaaruhuna waa qeyb ka mid ah ciyaarta.

Marka lacag aad noloshaada ku tiirsan tahay ha gelin meel halis ah.

Gunaanad: Crypto waa fursad weyn, balse sidoo kale waa imtixaan dhab ah oo u baahan sabir, cilmi, iyo feejignaan.

Qof walba wuu ku riyoodaa inuu helo xorriyad dhaqaale, balse riyadaas looma maro hab aan qorsheysneyn.

Haddii aad rabto in maalgashigaagu noqdo mid miro dhal leh, iska ilaali qaladaadka caamka ah ee dadka cusub ay galaan. Baro, qorshee, dulqaado — hana isku dayin inaad maalin Taajir noqato.

Xasuusnow: Crypto wuxuu noqon karaa mid kaa dhigo maalqabeen… ama mid kaa dhigo sabool. Doorashada adigaa leh.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *