Sida Fudud ee Loo Bilaabo Crypto Trading

Trading-ku waa mid ka mid ah xirfadaha ugu dakhliga badan caalamka,Waa xirfad muddo gaaban ku abuurtay millionaire-yo badan,Laakiin kaliya ma aha lacag; Trading-ku sidoo kale waa xorriyad, Adiga ayaa maamula waqtigaaga, mana jiro qof kuu sheegaya goorta aad shaqaynayso ama nasanayso.
Maqaalkaan waxaa aan ku falanqeyn doonaa Sida aad ku noqan karto Trader guuleysto una abuuri karto Dakhli badan si Xoryad Leh.
1: Basics of Crypto: Marka aad rabto inaad Trade gareyso suuqaan Crypto waa in Marka Hore aad Barataa Aasaaska suuqa oo aad fahahnta sida uu ushaqeeyo suuqaan iyo nuucyada kala duwan ee Trading_ka Sida Spot iyo futures.
2: Technical Analysis: Waa meesha laga billaabo Trading_ka, Technical Analysis Waa inaad barataa Aqoontaa lagu Taxliiliyo suuqa oo ah Chart ama Candle Sticks, Waxaad ku baran Kartaa Qaab online waxayna kaaga baahan tahay inaad dadaal badan ku bixiso oo aad Sameyso Practical joogto ah.
3:Fandemantal Analysis: Waa in aad Barataa Taxliilinta Aasaasiga ah ee suuqa oo ah Wararka iyo dhacdooyinka Sameeyo suuqaan si dhawowna aad ula socoto,inta badan xaaladaha dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamka waxay xiriir la leeyihiin suuqyada maaliyadda.
Fandemantal_ku waa mid sahlan oo waqti badan aan kaa qaadaneyn Barashadiisa, haddii aad adigu sameyn karto baaritaan sidaas ayaadba ku baran kartaa.
4: Risk management: Maareynta Qatarta waxay muhiim u tahay Trader kasta, waana in aad maareyso Qasaarahaaga si lacagtaada oo idil aadan u qasaarin, Marka aad Trade gareyneyso ujeedkaagu waa inaad Sameyso faa’ido balse waxaa ka horreyso in aad lacagtaada ilaashato oo suuqu aanu kaa qaadan Taasoo aad ku baraneyso Risk management.
5:Psychology: Cilmi nafsiga Trading_ka waa mid inta badan Traders_ku ay ku dhibban yihiin, waxaad wajihi kartaa qasaaro iyo faa’ido intaba, markasta oo qasaaro wajahdo waa in aad maamusho Dareemahaaga oo suuqa aadan ka niyad jabin ama aadan qaadan Risk/Qatar kale waana inaad fahanto in Trading_ku faa’ido iyo qasaaraba leeyahay.
6: Trading Plan : Waa inaad leedahay Qorshe Ganacsi, Traders_ka guuleystay waxa ka siman yihiin in ay leeyihiin Qorshe Ganacsi, Qorshaahaagu waxaa uu si cad u qeexayaa meeqo Trade ayaad qaadaneysaa maaalin kasta,meeqo ayaa Qasaarin kartaa maalin kasta,Xilligee ayaad Trade gareynee iwm.
7:Journaling: Waa inaad Diiwaan galiso xogta Trade_yada aad qaadatay si aad u ogaato in Qorshahaagii Ganacsi uu noqday mid guuleystay ama mid fashilmay, waana inaad bil kasta sameyso xisaab xir si aad Qorshahaaga ugu sii shaqeyso ama aad u badasho,markii aad xisaabtaada xireyso waxaa kuu Soo baxayo xogta saxda ka dibne waxaad qaadan kartaa go’aan ah isbadal ama sii socasho.
8: Discipline : waa inaad leedahay anshax ama aadan oo aadan nacas noqan aamintana inaad ku jirto Ganacsi sax ah, Trading waa mid mararka qaar umuuqdo Ciyaar taaso kaa dhigayso inaad lacagtaada ku ciyaarto.
Si aad Discipline_kaaga u ilaaliso waa inaad u raacdaa Qorshaaga Ganacsi sida aad u dajisay sidoo kalena Risk management iyo Journaling_kana aad ilaaliso.
9: Small Account: waa in Trading_kaaga aad ku billowdo Account aad lacag Yar kusoo shubtay ama Demo aad ku barbarto.
Haddii aad lacag badan kusoo shubato adigoo billow ah waxaa macquul inaad qasaaro wajahdo ka dibne aad niyad jabto, kusoo shubo $10 ilaa $200 Kuna Trade garee si joogto ah adigoo dajinayo Qorshe Ganacsi( Trading plan),Risk management iyo Journaling kuna dar bil kasta 20% ilaa 50%.
10:Consistency( Joogteyn): Si aad u noqoto Trader guuleysta, waa inaad noqotaa mid joogteeyo.
Guusha lama gaaro hal maalin ama hal trade – waxay ku timaadaa shaqo joogto ah, barasho joogto ah, iyo dulqaad joogto ah.
Ku celceli qorshahaaga maalin kasta Dib u eeg casharrada aad baratoHa ku niyad jabin guul-darrooyin yaryar Xitaa marka aadan arkin faa’iido muuqata, sii wad waxbarashada iyo falanqaynta.
Joogteyntu waa waxa kaa dhigaya mid xirfad iyo faham u yeesha suuqa, taas oo mustaqbalka kuu horseedi karta xorriyad dhaqaale.
Gunaanad:Trading-ku waa xirfad naftaada, waqtigaaga, iyo maskaxdaada kuu abuuraysa xorriyad iyo fursad,Si kastaba ha ahaatee, guusha waxay ku timaadaa oo kaliya marka aad leedahay:Aqoon,Nidaam,Anshax,Qorshe cad iyo joogteyn.
Maa shaa Allah tabaarakAllah waa cashar aad u muhiim ah oo qofkii raba in Suuqa Crypto wax ka ogaado sida aniga oo kale anfacaya.
Shukran Eng. Maxamed.