Waa Maxay Crypto Currency?

Dunidu waxa ay ka sameysan tahay isbadallo dhinanc kasta markasta waxaa lagaaraa horumar cusub gaar ahaa dhinaca Digital-ka 20-kii sano ugu dambeysay waxaa laga gaaaray Horumar ballaaran.
Crypto Currency waxay huggaan u tahay Horumar-ka laga gaaray dhinaca Digital-ka gaar waa isbadal ku yimid Aragtidii laga aaminsanaa lacagta ama waxa lacag loo yaqaanay.
Inta aanan ka jawaabin su’aasheenna waa maxay Crypto currency? waxaa muhiim inaa isla fahanno waa maxay Lacag iyo Heerarka ay soo martay.
Waa Maxay Lacag?
Lacag: waa Hannaanka la isticmaalo si loo fududeeyo ganacsiga iyo is-weydaarsiga badeecadaha iyo adeegyada. Waxay noqon kartaa mid la taaban karo sida waraaqaha lacagta ah iyo lacagta birta ah ama mid digital ah sida lacagaha elektarooniga (EVC,Edahab iwm) ah iyo cryptocurrency.
Lacag waa qiime la aqoonsan yahay oo ay dadku ku kala iibsadaan alaabta iyo adeegyada.
Heerarka Lacagtu Soo Martay
1. Nidaamka Is-weydaarsiga (Barter System) – Nidaamkaan waxa uu ahaa is-weydaarsi oo ah in Badeecad lagu badasho badeecad kale iyado inta badan la eegeyn kala sarreynta Qiimaha.
2. Lacagta Badeecadda (Commodity Money) – Waa nidaam loo adeegsan jiray badeecooyin qiimo leh sida Dahab, Qalin, Milix, iyo Saliid in ay noqdaan lacag lagu kala iibsado badeecadaha iyo adeegyada.
3. Lacagta Biraha (Metal Coins) – Lacag birta ah ayaa la sameeyey si ay u fududeeyaan ganacsiga meelaha qaarna ilaa hadda la adeegsadaa.
4. Lacagta Waraaqaha (Paper Money) – Lacag waraaqo ah oo ay soo saaraan bangiyada, laguna xiro dahab ama kalsoonida dowladda oo ilaa hadda la adeegsado.
5. Lacagta Elektarooniga ah (Electronic Money) – Lacagta dijitaalka ah oo lagu bixiyo iyada oo la isticmaalayo bangiyada iyo baraha internetka sida kuwa somaali EVC,EDAHAB iwm.
6. Lacagta Cryptoga (Cryptocurrency) – Lacag dijitaal ah oo aan la xukumin, kuna dhisan blockchain Technology.
Hagaag hadda waxaa usoo daadaagnay Crypto Currency waa Maxay?
Cryptocurrency waa lacag digital ah oo loo isticmaalo in lagu kala iibsado badeecadaha iyo adeegyada, iyadoo aan lahayn hay’ad dhexe oo xukunta. Lacagahan waxay ku shaqeeyaan blockchain Technology, oo ah diiwaan dadweyne oo ammaan ah oo lagu kaydiyo dhammaan macaamilada.
Cryptocurrency waxaa lagu xaqiijiyaa Nidaamka (cryptography) si loo hubiyo amniga iyo sirta macaamilada.
Asataamaha Crypto Currency
Decentralization (Xakameyn La’aan): Ma jiro hay’ad dhexe oo xukunta.
Amniga: Macaamilada waxaa lagu xaqiijiyaa blockchain, waxaana la keydiyaa si aan dib loogu beddeli karin.
Digital ah: Waa lacag aan la arki karin oo ah Number Qiimo leh oo la isla aqoon san yahah.Is-Weydaarsi caalamiga ah: Cryptocurrency waxay kuu ogolaanaysaa in aad lacag u dirto ama ka hesho qof kasta oo dunida meel kasta jooga.
Tusaalooyinka Crypto CurrencyBitcoin (BTC)Ethereum (ETH)Ripple (XRP)Litecoin (LTC).
Bitcoin waa lacagtii ugu horreysay ee la samaeeyey sanadkii 2008 waxaana sameey Koox ama shaqsi isku magacaabay Satoshi Nakamota oo ilaa hadda aan la garaneyn waana lacagga ugu qiimaha badan Crypto currency .
Crypto currncy: waa suuqa Guud kaas oo ka kooban in ka badan 200 milyan oo lacag ah oo ay ku jirto Bitcoin.
Cryptocurrency waxay isbadal weyn oo ku yimaaday Dunida Dhaqaalaga Iyo Technology-ga kaaso ay muhiim tahay inaad la jaanqaaddo iyadoo waqtigaanna ag curdun tahay fadlan billow inaad barato Cilmiga lacagahaan si aad uqasaarin fursadaha mustaqbalka.
One Comment